Madaxweynaha Mareykanka oo laalay xayiraado saarnaa dhinaca socdaalka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa laalay wareegto uu horay u soo saaray maamulkii Trump taasi oo lagu hor istaagay dad badan oo kamid ah codsadayaasha kaararka cagaaran in ay soo galaan Mareykanka.

Bayaankaan oo maalinimadii Arbacada ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu soo saaray amar fulin ah oo joojinaya xayiraadaasi saarnaa dadka soo galaya Mareykanka,gaar ahaan qoysaska kala maqan iyo kuwa magangalyo doonka ah.

Joe Biden markii uu qabtay talada xafiiska 20-kii Janaayo, wuxuu laalay dhowr siyaasadood oo ka dhan ah soogalootiga sida dadka  magangalyo-doonka ah iyo mamnuucid lagu sameeyay dalal badan oo muslim ah

Marka loo eego dadaalada dhinaca socdaalka ah ee uu wado Mr.Biden iyo dad gaaraya11 milyan oo qof oo aan laheyn sharciga Mareykanka,waxaa suurtagal ah in uu la kulmo iska caabin adag oo ay kala horyimaadaan  Jamhuuriyiinta Koongaraska.

PUNTLAND POST