Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo oggolaatay in la siidaayo canshuurihii Trump

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa oggolaatay in dacwad oogaha magaaladda New York la siiyo faah-faahinta dhaqaalaha madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, gaar ahaan diiwaanada la xiriira canshuuraha.

Baaritaanka lagu sameynayo Trump ee dhinaca dhaqaalaha ayaa dacwad oogeyaasha New York waxay sheegeen inay ka eegi doonaan dambiyo dhaqaale oo lagu soo eedeeyay, waxaana go’aanka Maxkamadda Sare uu niyad jab weyn ku noqonayaa madaxweynihii hore, maadaama uu in muddo ah diidanaa in la fasaxo galkiisa dakliga iyo canshuur celinta.

Garsooreyaasha oo aan macluumaad dheeraad ah ka bixin arrinkan waxay diideen codsigii Trump ee ahaa in la hakiyo xukunkii maxkamadda darajada hoose ee bishii Oktober 7-deeda in ganacsadahan noqday siyaasi ka tirsan xisbiga Jamhuuriga uu ku wareejiyo dhammaan macluumadka ku saabsan xisaabihiisa xeerbeegta maxkadmadda degmada Manhattan ee New York.

Donald Trump ayaa isna soo saaray bayaan uu ku sifeeyay in baaritaanka Vance uu yahay ugaarsigii ugu xumaad ee siyaasadeed ee taariikhda dalkan – waasida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna ku eedeeyay xisbiga dimoqraadiga New York inay awoodooda ku bixiyeen hoos u dhiggida siyaassadda la loolameysa.

PUNTLAND POST