Madaxweynaha Jubaland oo kulan gaar ah la yeeshay wefdi ka socda Beesha Caalamka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Wefdiga waxa kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga.

Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira.

Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka.

PUNTLAND POST