Khayre: Waxaan ka badbaaday isku day dil

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo haatan ka tirsan Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil qorshaysan oo la doonayay in lagu khaarajiyo.

Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo.”

Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladdu ay xalay saq dhexe weerar ku qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh, si loo khaarajiyo, balse isku daygaasi fashilmay.

Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.”

Waxaana loo bareeray dilka madax hore iyo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, dadkana waxaa loo diiday inay dareenkooda cabiraan, maxaa harsan oo xiga?”

PUNTLAND POST