Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo xirmay kadib markii Madfac ku habsaday

Xiisadda colaadeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho, ayaa saamayn ku yeelatay hawlihii Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde, kadib markii uu madfac ku habsaday gudaha Garoonkaas.

Duullimaadyada kala duwan ee Garoonka Aaden Cadde, ayaa hakad la geliyay, kadib markii sida la sheegay madfac uu ku dhacay xarun Ganacsi oo ku taal gudaha Airport-ka, islamarkaana qiiq iyo uuro madow laga arkay.

Xaaladda Muqdisho ayaa ah mid qasan, waxaana dowladdu ciidamo badan gaysay dhammaan wadooyinka iyo isgoysada muhiimka ah, si ay u joojiyaan bannaaanbaxyada ay ku baaqeen Midowga Murashixiinta.

Sidoo kale, waxa Rasaas lagu kala eryay bannaanbax ka socday nawaaxiga KM4, kaas oo ay hoggaaminayeen xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta, oo ay ku jiraan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Khayre iyo Cabdikariin Guuleed.

Ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa sidoo kale xalay ku dagaallamay taalada Daljir Dahsoon, halkaas oo la doonayay in lagu qabto bannaanbaxyada.

PUNTLAND POST