Daahir Geelle oo ka digay in Farmaajo shirqool ku laayo madaxda dowlad goboleedyada

Murashax Daahir Maxamuud Geelle ,oo kamid ah Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday hotel Maa’ida, uu ahaa mid qorshaysan oo madaxweyne Farmaajo ku doonayay in lagu khaarajiyo madaxweynayaashii ka horreeyay ee Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Murashax Daahir Geelle oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, wuxu sheegay in madaxweyne Farmaajo weerarkaas u qaaday, si loo fashiliyo bannaanbaxyo Nabadeed oo la doonayo, in ay maanta oo Jimce ah ka dhacaan Muqdisho, islamarkaana lagu dalbanayo in dalka doorasho laga qabto.

Madaxda dowlad goboleedyada ayuu sidoo kale ugu baaqay, in aysan imaan Shirka madaxweyne Farmaajo ku baaqay, si aysan Amnigoodu khatar u gelin, maadaama Farmaajo weeraray madaxdii isaga xukunka uga horraysay.

Waxaan leenahay Farmaajo waa nin horor ah haddii uu madaxdii ka horraysay maagay idinkana waa idin maagi karaa la iskuma aamini karo. Goob nabad ah oo dadku isu’gu yimaadaan baa loo baahanyahay” ayuu yiri Murashax Geelle.

Hoos ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST