Bannaanbax ka socday Muqdisho oo Rasaas lagu kala cayriyay

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Rasaas ku kala cayriyay dad bannaanbax ka samaynayay nawaaxiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay hoggaaminayeen qaar kamid ah Midowga Murashixiinta Muqdisho.

Bannaanbaxa waxa hoggaaminayay Murashixiinta kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xasan Cali Khayre iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana kala carar iyo jaah-wareer ku dhacay, kadib markii ay Rasaas huwiyeen Ciidamada dowladda.

Ilaa iyo haatan lama sheegin haddii khasaare ka dhashay Rasaasta lagu riday bannaan-baxayaasha sida nabdoon u gudbinayay Ra’yigooda ku aaddan in dalka doorasho laga qabto, kuwaas oo ay hormuud u yihiin Murashixiinta mucaaradsan dowladda.

Sidoo kale, xalay waxaa dagaal xooggan agagaarka Daljirka Dahsoon ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka.

PUNTLAND POST