
Qarax xooggan oo ismiidaamin ah ayaa saaka oo Sabtiya ka dhacay bar kantarool oo laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
War ka soo baxay Booliiska, ayaa lagu sheegay in Qaraxa loo adeegsaday Gaari NOAH oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo lagu dhuftay bar kantarool oo u dhow Isgoyska Sayidka.
Sidoo kale, Booliisku wuxu sheegay in Qaraxa ay ku dhaawacmeen ilaa ruux, islamarkaan aya ku burbureen 8 gaari iyo 9 mooto bajaaj, balse aysan jirin cid ku dhimatay marka laga reebo qofkii isqarxiyay.
Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa, balse Al-shabaab ayaa inta badan sheegta Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST