Caynte: dalku wuxu galay marxalad uusan weligiis hore usoo arag

Cabdiraxmaan Caynte, oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu galay marxalad uusan weligiis hore u soo arag, kadib markii ay dhammaatay mudada xil-haynta madaxweyne Farmaajo, iyadoo aan heshiis lagu ahayn hannaanka looga gudbayo marxaladdan.

Maanta, dalkeennu wuxuu galay marxalad uusan waligiis hore usoo arag. Wali ma dhicin in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato iyadoo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo marxaladda kala guurka.” Ayuu yiri Caynte.

Wuxu sheegay in marxaladdan ay tahay cambaar abid ku samaysnaan doonta taariikhda dalka islamarkaana dhaawac ku ah silsiladdii dimoqraadiga aheyd ee dib loo soo yagleelay 20 sano kahor taasna uu mas’uuliyadeeda kowaad qaadi doono madaxweyne Farmaajo.

Waa cambaar kale oo abid ku summadeysnaan doonta taariikhda dalkeenna. Waxayna dhaawac ku tahay Masuuliyaddeeda koobaadna waxay ku dhaceysaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”

Sidoo kale, natiijada aan la oddorosi karin ee ka dhalata isku koolleynta madaxtinimada dalka waxaa dhabarka u ridan doona mudane Farmaaajo.”

PUNTLAND POST