Dibad-baxyo xoogan oo ka socda dalka Holand

Dalka Holand waxaa maalintii afraad galay isku soo baxyo rabshada wata oo ka dhacaaya qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaas

Mudaaharadyaasha ayaa ka cabanaaya xirnaanshada guud ee lagu soo rogay dalka kadib markii cudurka Karoona ku faafay dalka.

Madaaharadyaasha iyo ciidmada ka hor taga rabshadaha ayaa dhowr magaalo isku dhacay, inskata oo ciidamadu xakameeyen markii danbe.

Dadka bannaan baxyada sameeynaayay ayaa dhagxaan ku tuuray booliska, waxaana la xiray dhowr qof sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaas.

Mas’uul u hadlay booliska ayaa sheegay inay denbi tahay in la sameeyo banaan baxyo wata rabshado.

PUNTLAND POST