Booliiska Puntland oo degmada Dhahar ka fuliyay hawlgal Khasaare gaystay

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa xalay degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ku qabtay Gaari laga soo dhacay dhinaca Gobolka Bari.

Kadib iska hor-imaad kooban oo dhexmaray nin hubaysan oo Gaariga soo dhacay iyo Ciidanka Booliiska waxa dhaawac culus soo gaaray ninkii Gaariga dhacay kaas oo isbitaalka loola cararay.

Sidoo kale hal askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska ayaa ku dhaawacmay Hawlgalkaas waxaan haatan gacanta lagu hayaa Gaarigii oo Rasaas badan ku taal sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil Booliis.

Goob-joogayaal ku sugan Dhahar waxay sheegeen in xilliga Hawlgalkaas dhacayay Rasaas xooggan laga maqlay gudaha magaalada.

PUNTLAND POST