Wasiir Dubbe: In ka badan 100 askari ayaan ku qabannay dagaalka Beledxaawo

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo oo dhexmaray Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubaland.

Wasiir Cismaan Dubbe, wuxu sheegay in fallaago Kenya Soo hubaysay, oo ay weheliyaan Ciidamada Kenya ay weerar ku soo qaadeen degmada Beledxaawo, si ay uga qabsadaan dowladda Federaalka, balse ay ku fashilmeen isku daygoodii.

Wasiirka warfaafinta, ayaa tilmaamay in Ciidamada dowladda Federaalku ay jab xooggan gaarsiiyeen Ciidamadii soo weeraray, islamarkaan maxaabiis ahaan uga qabteen in ka badan 100 askari, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, dowlad goboleedka Jubaland ayaa saaka sheegtay in ay qabsadeen magaalada Beledxaawo, kadib dagaalkii dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Jubaland oo halkas ka dhacay.

Ma jirto cid ka madax-bannaan labada dhinac, oo xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaalka, marka laga tego sheegashooyinka dowladda Federaalka iyo Jubaland.

PUNTLAND POST