Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay qabatay Hub culus oo si sharci-darro ah dalka loo soo geliyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku dayayeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan dalka, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo illaa barta ugu dambaysa ee lagu kaydiyo. Nidaamkaas ayaana maanta u sahlay in Dowladdu ogaato isna hortaagto hubkaas sharci darrada ah ee la rabay in la soo galiyo Dalka” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay dowladda.

Dowladda Federalka Soomaaliya waxay tilmaantay in qorshahan la rabay in Dalka lagu soo geliyo hub sharci darro ah iyo wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka ay u aragto duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida dalka. Mowqif adagna ay ka istaagi doonto

Sidoo kale, dowladdu waxay xaqiijisay in ay baaritaan ku hayso hubkaas culus iyo rasaastaas sharci darrada ah ee dalka la soo gelin rabay, meesha loo waday, meesha laga soo dhiibay iyo ujeedka laga lahaa.

Hoos ka akhriso Qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST