Dowladda Kenya oo war ka soo saartay dagaalka Beledxaawo

Dowladda Kenya ayaa si dadban uga jawaabtay eedayn uga timid dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay Beledxaawo.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Kenya waxay sheegtay in dagaalka uu u muuqdo in uu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.


Kenya ayaa intaas ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya.

PUNTLAND POST