Dagaal culus oo ka socda degmada Beledxaawo

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland, ee uu hoggaamiyo Wasiirka Amniga Jubaland, ayaa saaka ka socda gudaha degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka oo so bilowday gelinkii dambe ee xalay, islamarkaana weli socda waxa ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin khasaaraha dagaalkaas.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka, ayaa sheegtay in jabhad ay Kenya soo hubaysay ay weerar ku soo qaaday degmada Beledxaawo, waxaana ay cambaaraysay dowladda Kenya.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aaden, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in jabhad ay so hubaysay dowladda Federaalka ay weerar ku qaaday Ciidamada Jubaland ee Beledxaawo.

Maxamuud Sayid, wuxu sheegay in dagaalkaas oo ku faafay degmada Beledxaawo uu weli socdo ciidamada Jubaland-na la wareegeen qayba kamid ah magaalada.

PUNTLAND POST