Dibadbaxyo ka socda waddanka Ruushka


Booliska Ruushka ayaa Sabtidii xiray in ka badan 3,000 oo ruux oo ka mid ahaa tobnaan kun oo qof oo shalay dhowr magaalada oo ku yaalla Ruushka ka dhigay, bannaanbax ay ku dalbadeen in lasoo daayo hogaamiyaha mucaaridka Ruushak Alexei Navalny.

Dowladda ayaa dadka uga digtay dibadbaxa, iyada oo ku andacootay in ay qaadi karaan xanuunka COVID-19 iyo in ay muteysan doonaan xabsi, hase yeeshee kumannaan qof ayaa baaqaasi iska indha-tiray.

Bartamaha magaalada Moscow, ku dhawaad 40 kun oo qof ayaa isugu soo baxay, balse dadkii halkaasi tagay waxaa qaarkood xiray ciidamada booliska.
Dibadbaxyaasha ayaa ku qeylinayay Putin waa tuug, iyo Navanly xorriyaddiisa halloo soo celiyo.

Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub ayaa cambaareeyay xariga dadkii mudaaharaadayay, waxayna codsadeen in si dag dag ah loo daayo dhammaan dadka loo xiray dibadyaxada iyo sidoo kale hogaamiyaha mucaaridka Alexei Navanly.

PUNTLAND POST