Sacuudiga oo soo dhoweeyay go’aanka Maraykanku Argagixiso ugu aqoonsaday Xuutiyiinta

Dowladda Sacuudiga ayaa soo dhoweysay go’aanka ay dowladda Mareykanka urur argagixiso ugu aqoonsatay kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta dowladda Sacuudiga ay taageeraan ee dalka Yemen.

Wasaaradda arrimaha dibedda waxay soo dhoweyneysaa go’aanka uu maamulka Mareykanka ugu calameeyey maleeshiyada Xuutiyiinta urur argagixiso,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency.

Dhinaca kale taliyaha siyaasada Xuutiyiinta Mohamed Ali al-Huthi ayaa cambaareeyey go’aanka dowladda Mareykanka, wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan.

Sidoo kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh ayaa cambaareeyey go’aanka Mareykanka, wuxuuna ka digay in dowladda musalaftay ee Mareykanka ay sii dhaawaceyso sumcaddeeda maalmaha ugu dambeeya ee xukunka Trump.

PUNTLAND POST