Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirada Qatar iyo Turkiga

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Danjirayaasha Turkiga iyo Qatar.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook ee Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa lagu sheegay, in Ra’iisul wasaaruhu qaabilay Safiirka Turkiga Mohmet Yelmez iyo safiirka Qatar Hassan Hamza.

Qoraalka waxa sidoo kale lagu xusay, in Ra’iisul wasaare Rooble iyo labada safiir ka wada-hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya saddexda dal ee Soomaaliya Turkiga iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mudane Mohmet Yelmez iyo Mudane Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

PUNTLAND POST