Pompeo oo dowladda Iraan ku eedeeyay in ay hoy u tahay Al-Qaacida

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa  sheegay in hoyga cusub ee al-Qaacidda uu hadda yahay Iran, inkastoo uusan soo bandhigin wax caddeymo ah, eeddaas oo Iran si dhakhs badan u beenisay.

Pompeo ayaa xusay in al-Qaacidda xarunteeda dhexe ku taala Iran halkaas oo ay ku sugan yihiin horjooge Ayman al-Zawahiri iyo ku xigeenadiisa. Sheegasha xoghaye Pompeo waxaa shaki geliyo hey’adaha sirdoonka iyo qaar kamid ah xubnaha Congress-ka.

Al-Qaacidda hoygeeda cusub waa jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran,” Pompeo ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay naadiga saxaafadda qaranka (National Press Club) ee magaalada Washington.

Xoghayaha xilka ka degaya, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in xukuumadda Tehran caddaadis la saaro inkastoo uu ka gaabsaday in uu ku baaqo talaabo militiri oo ka dhan ah Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Maxamed Jawaad Zariif ayaa xoghaye Pompeo ku eedeeyay in uu sameeyay been abuur, qoraal uu soo dhigay Twitter ayuu ku dhaleeceeyay hadalka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka.

PUNTLAND POST