Golaha Wakiilada Maraykanka oo maanta ka doodaya xil- ka-qaadista Trump

Madaxweyne Trump

Golaha Wakiillada Mareykanka ayaa lagu wadaa in Arbacada maanta ah ay ka doodaan xil-kaqaadista madaxweyne Donald Trump.

Xubnaha Aqalka Wakiillada oo ay aqlabiyaddiisu leeyihiin Dimoqraadiyiinta ayaa xil-kaxayuubinta Donald Trump u adeegsan doona qodobka ‘Hurin Rabshado’ kaddib marki Arbacadi hore ay taageerayaashiisa xoog ku galeen xarunta Koongareeska.

Rabshado ka dhashay ficilkaas ayaa waxaa ku dhinty shan qof oo uu ku jiray askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada xarunta Koonagreeska ee Capitol Hill ee magaaladan Washington D.C.

Dhanka kale, saddex mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in ay taageersanyihiin in madaxweynaha Jamhuriga ah xilka laga qaado.

Mudanayaashan ayaa waxaa ugu caansan, haweeneyda la yiraahdo Liz Cheney oo laga soo doorto gobolka Wyoming. Liz ayaa ah qofka saddexaad ee ugu darajada sareeya xildhibaannada Jamhuuriga u matala Aqalka Wakiillada.

PUNTLAND POST