Banaadir oo ku guuleysatay tartankii dowlad goboleedyada ee 2020

Xulka kubbadda cagta gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee 2020, markii ay gool kulaadyo uga adkaadeen xulka Galmudug.

Ciyaarta kamadambaysta tartankan ayaa galabta garoonka Eng.Yariisow ee Muqdisho ku dhexmartay xulalka Banaadir iyo Galmudug, waxaa wakhigii caadiga ahaa (90-kii daqiiqo) ku dhammaaday 2:2.

Gool kulaadyo labada xul ay isla aadeen ayaa gobolka Banaadir guushu ku raacday 3:0, markii xulka Galmudug laga qabtay saddexdii gool kulaad ee ugu horreysay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si toos madaxtooyada uga daawanayay ciyaarta ayaa u hambalyeeyay kooxda Banaadir.

Sidoo kale Cumar Filish, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa u hambalyeeyay kooxda kubadda cagta Banaadir.

Waa markii ugu horreysay oo xulka Banaadir uu ku guuleysto tartanka kubbadda cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo saddex jeer la qabtay ayaa la bilaabay 2016, markaas oo ay ku guuuleysatay Puntland, 2017 waxaa qaaday Jubbaland, halka 2020 ay ku guuleystay Banaadir.

PUNTLAND POST