Baarlamaanka Puntland Sharafta Ayuu Iska Xayuubshay

Garoowe (Faallo PP) — Xeerdejinta Puntland (baarlamaanka) marnaba laguma xaman maddaxbannaani. Waa hey’ad ay laanta fulintu (madaxtooyada) ku adeegato tan iyo asaaskii Puntland. U nuglaanta Barlamaanka Puntland cadaadis ka yimaada madaxtooya wuu kala duwanaa. Wuxuu ugu darnaa markii taliskii Cabdiweli Gaas Puntland ku amarkutaagleynayay.

Sicirbararka maanta Puntland ka jira iyo sida dekedda Boosaaso gacanta loogu geliyay shirkad dowlad shisheeye leedahay waa natiijada hab beeleedka siyaasadda Puntland ay ku dhisan tahay. Waxaa habkan sal u ah isla-xisaabtan la’aan heer walba.

Barlamaanka Puntland kama duwana awr heeryadiisii cunay

Laba iyo labaatan sano unkiddii Puntland kaddib in guddoonka Baarlamaanka Puntland u dhaqmo sida xisbi ka xayuubiyay xildhibaanno sharafta waxay niyadjab ku tahay dadka ka dhursugayay geeddisocodka dimuqraaddiyaynta. Baarlamaanka ayaa sharafta iska xayuubshay. Waa Baarlamaanka ansixiyay heshiiska maamul goboleed la galay shirkad dowlad shisheeye leedahay si maamulka dekedda Boosaaso loogu wareejiyo DP World. Puntland waxay u dhaqantay sida maamul sheeganaya inuu Soomaaliya ka go’ay hase ahaatee sharci ahaan ka mid ah Soomaaliya. Heeshiisyadu dalal bay dhex maraan. Maamul gobol iyo dowlado heshiisyo may kala saxiixdaan.

Ka xayuubinta xildhibaannada sharafta waxaa ka horreeyay ansixinta codsi ka yimid Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku saabsan in xildhibaannadu aysan ka doodi karin heshiiska DP World ku maamuli doonto dekedda Boosaaso. Xildhibaannada sharafta laga xayuubiyay waxaa ka mid ah Cabdicasiis Gacamey oo sanadkan si faahfaahsan uga hadlay sida DP World ugu guuldarreysatay hirgelinta heshiiska ay Puntland la gashay.

Haddii xildhibaannada laga soo dooran lahaa deegaan doorasho guddoonka Baarlamaanka Puntland muu ku dhiirran lahayn jebinta xeer hoosaadka Baarlamaanka si uu uga aargoosto xildhibaanno qaba aragti tiisa ka duwan.

Waa ayaandarro in ururrada siyaasadda Puntland ka aamuseen go’aanka qarka ka sii tuuraya waxa ka haray hufnaanta Baarlamaanka Puntland. Waxay ururradu u diyaargaroobayaan doorasho dowlado hoose oo tijaabo ah, ka dhici doonta seddex degmo.

Dabaqadda siyaasadda ee Puntland ayaa wax ka dheefta islaxisaabtan la’aanta siyaasadeed. Puntland sidan kuma sii socon karto. Ku kaltanka awooddu wuxuu Puntland dadkeedii ka dhigay caano-madaadsheyaal caan ku ah u nacamleynta lunsadayaasha hantida dadweynaha.

© Puntland Post, 2020