Isha Sicirbararka Puntland

Garoowe (Faallo PP) — Puntland waxay la daalaadhacaysaa sicirbarar saameeyay xasilloonida. Bannaanbaxyadii ka dhacay Gaalkacyo iyo Boosaaso jawaab uma ahayn oo keliya siyaasadda doollaraynta dhaqaalaha Puntland oo uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni si rasmi ah ugu dhawaaqay; waxay muujiyeen in dowladda Puntland aysan dan ka lahayn danyarta.

Dadka hodanka ah uun baa doollar wax ku iibsan kara Puntland. Waa dadka dowladda si uun ugu dhowdhow ama dadka ganacsiyada waaweyn leh. Sida ku xusnayd warqaddii ay wadajirka u soo saareen SIDRA iyo Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaa ka jira Puntland laba hab oo sarrifka lacagta adag ah. Mid ayaa ah kan suuqa; midka kale waxaa la adeegsadaa marka dowladda Puntland wax laga iibinayo. Sicir aad uga sarreeya kan sarrifka suuqa ayaa dowladda Puntland wax lagaga iibiyaa. Tani waxay keentay in ku tartanka wax ka iibinta dowladdu noqdo waddada loo maro hantiyeysi degdeg ah.

Heerka sarrifka dowladda Puntland wax lagaga iibiyo wuxuu aad uga sarreeyaa heerka sarrifka suuqa.

Dowladda Puntland waxay haysataa Shilin Soomaali badan oo uu maamulkii Cabdiweli Gaas daabacay. Tiro badan oo lacagtaas ahi waxay ku rasaysan tahay baqaarro. Gaas wuxuu si fudud ugu guuleystay inuu suuqa ka saaro shilin Soomaaliga maamulkii ugu horreeyay ee Puntland soo daabacay iyo tii dowladdii kacaanku daabacday. Guddi looma saarin siyaasadda lacageed uu Gaas Puntland ku soo rogay. Waa sababta shilin Soomaaliga laga isticmaalo qeybaha kale ee Soomaaliga uga qiime-badan yahay shilin Soomaaliga Puntland marka suuqa sarrifka la joogo.

Puntland waxaa ka jira hab siyaasadeed ku dhisan isla-xisaabtan la’aan. Isla-xisaabtan la’aantu waxay gaartay heer yaxyax leh markii Baarlamaanka Puntland oggooladay codsi ka yimid Madaxweyne Deni si aan looga doodin heshiiska DP World la gashay Puntland 2017kii. Heshiisku wuxuu ka mid yahay hagardaamooyinka siyaasadeed uu maamulkii Gaas u geystay Puntland.

Madaxweyne Deni wuxuu wareegto ku xusay in guddi loo saaray xakamaynta sicirbararka uu ku taliyay in doollar la isticmaalo marka la qaadayo canshuuraha dhoofinta iyo soo dejinta. Haddii ujeeddadu tahay in dowladdu soo xereyso doollar badan si ay u xasilin karto sarrifka waa himilo wax-ku-ool ah qaadanse doonta muddo dheer. Sidee siyaasaddaas canshuureed u hirgeli kartaa haddii laba hab oo sarrif uu Puntland ka jiro? Waxaa habboon in marka hore dowladdu joojiso habka sarrifka sida gaarka waxa laga iibiyo dowladda. Waa habka keena sare-u-kaca sarrifka oo isna keena sicirbarar.

Ganacsatada Puntland way diideen qaadashada lacagta Soomaaliga. Carruurta shilin Soomaaliga guriga laga soo siiyay si ay cabitaan ugu iibsadaan dugsiga dhexdiisa waxay diidmo kala kulmeen ganacsato doollar uun wax kala iibsi u adeegsanaysa.

Puntland Post may wada helin talooyinka guddiga sicirbararku siiyay dowladda Puntland. Danta reer Puntland waxay ku jirtaa in dowladdu soo daabacdo talooyinka guddiga soo jeediyay si loo garto waxa doollaraynta qeyb ka mid ah siyaasadda canshuuraha Puntland ay ku salaysan tahay.

© Puntland Post, 2020