Garsoorka Puntland dib-u-eegis ayuu u baahan yahay

Garoowe (Faallooyinka PP) — Dhaliilo badan ayaa loo soo jeediyay garsoorka Puntland. Dhowaan qoys reer Puntland ah ayaa maxkamadda racfaanka Nugaal ku eedeeyey inay kiis fal dambiyeed ku salaysnaa kala soo noqotay Maxkamadda Sare una beddeshay kiis rayid (madani).

Haweeneyda cabashada soo marisay warbaahinta waxay sheegtay in Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka Nugaal uu u eexday gabar burburisay hanti kaddibna sheegatay dhul “si sharci ah loo kala iibsaday”. Maxkamadda racfaanku, sida haweeneydu sheegtay, waxay dhulka la isku ‘haysto’ u xukuntay nin aan markii hore kiiska ku jirin.

Ma aha eedeyn garsoorka Puntland uu indhaha ka laali karo. Dheelliga ku yimid garsoorka Puntland muddo ayuu soo jiitamayay. Kiiskii ku saabsanaa dilkii Hodan Shanlayste wuxuu bannaanka soo dhigay, sida waaxda dambaarista Puntland ay sheegtay, in tuhmaneyaashii laga qaaday tijaabo dheecaan ah (DNA test) 11 bilood kaddib markii Hodan la dilay.

Garsoorka Puntland kama maarmo dib-u-habayn iyo dib-u-cusboonaysiin.

Waa nasiibdarro in garsoorka Puntland uu tirtiro magacii uu ku helay kiiskii Caasho Ilyaas, gabartii kufsi wadareed iyo dil la iskugu daray. Sida muuqata garsoorka Puntland wuxuu qaaday waddo halis ku ah kalsoonida dadku ku qabo dowladda Puntland.

Haddii garsoorka Puntland noqdo aalad lagu adeegto ama wax laga tabcado waxaa lagama-maarmaan noqonaysa in dadku u noqdo xeerarkii ay ku kala bixi jireen. Taas macnaheedu waa in dadku garnaqsi u arki doonaan marin ka habboon hey’adaha garsoorka Puntland. Danaha iska hor imanaya (garsoore iyo qof dacwad qeyb ka ah oo wax isu ah, tusaale ahaan) ayaa wiiqa tayada adeegyada hey’adaha garsoorka Puntland.

Garsoorka Puntland wuxuu u baahan yahay dib-u-eegis. Weli muu dhaafsiisna heerkii uu ku billowday oo ku salaysan maamul beelo tol ah wada samaysteen. Garsoorka Soomaaliya wuxuu ku dhisnaa u adeegista dad hayb qaran wadaaga xitaa markii dalka ay ka talinaysay dowlad ciidammadu hoggaaminayeen.

Haddii garsoorka Puntland sii ahaado mid aan u baahnayn dib-u-eegis ama dib u cusboonaysiin, waxa gebi ahaanba idlaan doonta kalsoonida dadku ku qabaan hey’adaha dowladda Puntland.

© Puntland Post, 2020