Biyoxireenka dib-u-curashada oo mideyn la’ qowmiyadaha Itoobiya

Addis Ababa (Wararka PP) — Ku dhowaad sanad ka hor Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed wuxuu u arkayay in biyoxireenka dib u curashadu yahay waddo siyaasadeed uu u sii mari karo adkeynta ujeeddooyinkiisa siyaasadeed.

In biyoxireenka la buuxiyo oo aan Masar loo joojin waa mowqif siyaasiyiintu isku raacsanaayeen ka xor xirxiristii hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Oromada. Kaddib markii Itoobiya ay Maraykanka ka waysay taageero waxay u jeesatay Midowga Afrika oo ay u aragto madal dhexdhexaadin karta Masar iyo Itoobiya. Masar olole siyaasadeed ayay qaadday kuna kasbstay dalal badan oo Afrikaan ah.

La mood noqonse wayday: Biyoxireenka Itoobiya muu u noqon Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed sabab uu dadka kaga sii jeediyo siyaasaddiisa jujuubka ku salaysan.

Qalalaasaha siyaasadeed oo hadda Itoobiya ka taagaan wuxuu meesha ka saaray mabda’a dhisidda biyoxireenka oo ay qowmiyaduhu ku mideysnaayeen markii hore. Tigray, oo ah gobola TPLF ay ka taliso, wuxuu u diyaargaroobay weerarro kala jaad ah oo kaga iman kara Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo dowladdiisu xiriirka u jartay maamulka Tigray. Dhowaan Tigray waxay ku guulaysatay qabashada doorasho xisbiga TPLF uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay.

Riyada Abiy Ahmed ayaa ah inuu ka faa’iideysto raasumaalka siyaasadeed oo uu Meles Zenawi, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya, ka tagay markuu billaabay dhisidda biyoxireen saamayn kara biyaha Masar ka hesho webiga Niil.

“Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay danayntii siyaasiyiinta mucaaradku siiyeen biyoxireenka. Waxay u arkaan mashruuc uu Abiy Axmed isku naaxinayo siyaasad ahaan” ayuu Puntland Post u sheegay gorfeeye siyaasadeed ku nool Addis Ababa aanse doonaynin in magaciisa la sheego.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritreeya oo wada booqday biyoxireenka.

Dowladda Itoobiya waxay qorsheynaysaa qabashada doorasho la mid ah tii xisbigii EPRDF abaabuli jiray. Xisbiga Badhaadhaha (Prosperity), oo Abiy Axmed ku beddelay EPRDF, wuxuu filayaa in uu ku guuleysto doorashada hoggaamiyeyaasha xisbiyada Oromada oo weli xirxiran. Sida doorasho noocaas ah qabsoomi doonto ka qaybgal la’aanta gobolka Tigray waa su’aal ku saabsan sharcinimada doorashada.

Caqabadaha Itoobiya ka soo foodsaaray dhisida biyoxireenka waa kuwo sharciyeed. Dal si gaar ah inuu ugu takrifalo kheyraadka la wadaago (global commons) loo oggol yahay ma jiro. Waa sababta Itoobiya ugu adkaysanayo in Midowga Afrika noqdo dhexdhexaadiyaha beddelaya Maraykanka iyo Bangiga Adduunka. Masar waxay ku doodday in biyoxireenka Itoobiya noqon doono waddo halaq-mareen ah iyo in dalal kale ay samaysan doonaan biyoxireenno saameeya biyaha Masar.

“Iska dulqaadista taliska Abiy Axmed ayaa qowmiyadaha Itoobiya kala weyn taageerista biyoxireen baal marsan sharciga adduunka” ayuu gorfeeyaha siyaasadeed yiri.

© Puntland Post, 2020