Imaaraadka oo Afwerki ka Caawiya Duullimaadyada

Asmara (PP) — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa diyaarad u soo dirtay madaxweynaha Eritreeta Isaias Afwerki ka hor intuusan booqasho dhowr maalmood qaadatay ku tagin Itoobiya toddobaadkii hore.

Madaxweyne Afwerki oo ka soo degay diyaaraddii Imaaraadku u soo diray.

Sida uu qoray warsidaha Indian Ocean Newsletter, ma aha markii kowaad oo Imaaraadku diyaarad u soo diray Afwerki. Imaaraadku wuxuu saldhig ciidan badeed ku leeyahay dekedda Casab. Eritreeya waxay ka mid tahay dalal ku bahoobay isbahaysi Badda Cas ku saabsan oo dhowr dal Carbeed ka mid yihiin.

Dhowaan Seyoum Mesfin, Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Itoobiya, ayaa sheegay in burburkii Madasha Sanca (Sana’a Forum) ay tahay dhibaato weyn. Itoobiya waxay xiriir adag la lahayd Yemen oo sagaashamaadkii jasiirad ay leedahay ay Eritreeya weerar kula wareegtay. Jasiiradda waxaa loo celiyay Yemen waanwaan dheer kaddib.

Dadka reer Eritreeya ayaa aad uga walaacsan taageerada Imaaraadka oo ay u arkaan mid xididdada u sii adkaynaysa keli-taliska 27 jirsaday ee Afwerke. Afwerki ayaa noqday madaxweynaha Eritreeya sanadkii 1993ki kala go’ii Itoobiya iyo Eritreeya kaddib.

Warkii Warsidaha Badweynta Hindiya uu ka qoray iskaashiga duullimaadyada

© Puntland Post, 2020