Puntland oo u diyaargaroobaysa tartanka gobollada, xilli ay dayacan yihiin garoomada kubbadda

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Cayaaraha Puntland ayaa shaacisay inay diyaarinayso qabashada tartanka kubbadda cagta ee gobollada.

War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu wargeliyay guddoomiyaasha dhallinyarada iyo cayaaraha gobollada Puntland inay u diyaargaroobaan tartanka guud ee gobollada, ayna soo xulaan xulkii matali lahaa gobol kasta.

Sidoo kale maamulada dhallinyarada iyo cayaaraha gobollada Puntland ayaa la faray inay sameeyaan ciyaaro saaxiibnimo oo loogu gogol xaarayo tartanka gobollada Puntland.

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Cayaaraha Puntland ma sheegin xilliga rasmiga ah ee la qaban doono tartanka kubbadda cagta ee gobollada.

Warka Wasaaradda Cayaaraha Puntland ayaa ku soo aadaya, iyadoo dayac xooggan ka muuqdo garoomada kubbadda cagta Puntland, ayna muuqan garoon lagu qaban karo tartan.

Qabashada tartanka kubbadda cagta ee gobollada Puntland waxaa ugu dambeysay 2014, markaas oo ku guuleystay gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST