Bayern oo qaaday horyaalka Yurub

Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa markii lixaad ku guuleysatay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions Leugue.

Bayern ayaa 1-0 ugu awood sheegatay kooxda reer Faransiis ee Paris Saint-Germain kulankii kama dambeysta (final) tartanka Champions Leugue oo caawa ka dhacay magaalada Lisbon ee dalka Portugal.

Gool uu daqiiqadii 59-aad madax ku dhaliyay Kingsley Coman ayaa guusha dahabiga ah siiyay Bayern Munich.

Bayern ayaa koobka Champions Leugue ku ruxday gegi maran oo aysan joogin wax taageerayaal ah.

Bayern ayaa koobka kooxaha Yurub ku guuleysatay lix jeer oo kala ah 1974, 1975, 1976, 2001, 2013 iyo sanadkan 2020.

Paris Saint-Germain oo sanadihii ugu dambeeyay aad loo maalgaliyay ayaa nasiib u yeelan wayday inay markii ugu horreysay ku guuleysato koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions Leugue.

Tartanka Champions Leugue ayaa sanadkan lahayn xiisihii iyo xamaasadii lagu yaqiinay, maadaama uu saameeyay Coronavirus.

PUNTLAND POST