Yaa Maamula Gegida Diyaaradaha Boosaaso?

Garoowe (PP) — Tan iyo intuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wareysi uu siiyay Laanta Af Soomaaliga Codka Maraykanka (VOA) uu ku muujiyay inuu mabda’ ahaan taageersan yahay in maamulista Gegida Diyaaradaha Boosaaso lagu wareejiyo shirkad shisheeye ah waxaa sii kordhayay wadaagista xogo aan sugnayn oo tibaaxaya in shirkad Imaaradka Carabta laga leeyahay ay maamuli doonto Gegida Diyaaradaha Boosaaso.

Sawirka Madaxweyne Deni uu Boosaaso kula jiray madax ka socota shirkad Imaaraadka laga leeyahay ayaa sii badiyay shakiga in si la mid ah sidii Dekedda Boosaaso loo wareejiyay loo wareejin doono Gegida Diyaaradaha Boosaaso.

Puntland maamul ahaan fulintu way ka awood-badan tahay sharci-dejinta (baarlamaanka). Waa sababta dastuurka Puntland meeshuu ka taagan yahay heshiisyada ku saabsan kaabayaasha lala galo shirkado shisheeye in la caddeeyo lagama-maarmaan u tahay.

Puntland waxay weli la daalaadhacaysaa heshiiskii maamulkii Cabdiweli Maxamed Cali ku wareejiyay Dekedda Boosaaso. DP World, oo hadda noqotay hay’ad dowladi leedahay, may fulinin heshiiskii ay ku billaabi lahayd wajigii hore ee mashruuca ballaarinta Dekedda Boosaaso.

Deni wuxuu sanadkii hore taageeradiisa wareejinta Dekedda Boosaaso ku saleeyay maqnaanshaha maalgeliyayaal diyaar u ah maamulista Gegida Diyaaradaha Boosaaso. Khudbad uu jeediyay sanadkii hore ayuu Madaxweyne Deni ku xusay shirkad lala galay heshiis maamuli doonta Gegida Diyaaradaha Boosaaso. Magaca shirkadda goorta shirkaddu billaabi doonto ballaarinta Gegida Diyaaradaha Boosaaso lama sheegin.

Waxaa cad in labada maamul u kala dambeeyay Puntland wadaagaan ku aaminidda shirkado shisheeye kaabayaasha qaranka ka baaraandegis la’aan. Sanadkii 2015kii ayaa si rasmi ah loo furay Gegida Diyaaradaha Boosaaso ballarin kaddib.

© Puntland Post, 2020