
Kooxaha Real Madrid iyo Juventus ayaa laga reebay tartanka xiisaha iyo xamaasadda badan kooxaha Yurub ee UEFA Champions League.
Manchester City ayaa u soo baxday siddeed dhammaadka tartankan, kadib markii ay lugtii labaad ee 16-ka minankeeda (gurigeeda) 2-1 ugu awood sheegatay kooxda ugu guuleysiga badan koobkan ee Real Madrid.

Man City waxaa guusha u horseeday Raheem Sterling iyo Gabriel Jesus oo goolasha u kala dhaliyay labadii qeybood ee ciyaarta, halka goolka qura uu Real Madrid u dhaliyay Karim Benzema.
Dhanka kale kooxda reer France ee Lyon oo looga badiyay 2-1, ayaa sharciga goolasha ugu soo baxday siddeed dhammaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League, maadaama ay lugtii hore ee 16-ka 1-0 ku garaacday Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Juventus oo minankeeda joogta gaarsiiyay guul aan waxba u tarin, markii uu labo gool dhaliyay.
Real Madrid iyo Juventus oo laga soo ciribtiray UEFA Champions League ayaa kamid ahaa kooxaha loo saadaalinayay tartankan.
PUNTLAND POST