Puntland uma baahna inay la garnaqsato DP World

Garoowe (Faallooyinka PP) — Wasiirka Dekedaha Puntland, Maxamed Cabdi Cismaan, ayaa dhowaan u sheegay xildhibaannada Barlamaanka Puntland in maamulka Deni la garnaqsan doono DP World.

Garnaqsigu waa fikrad aan xiriir la lahayn heshiisyada ganacsi (contracts) mana noqon karo jawaabta su’aasha: Miyay DP World, shirkadda leh P&O Ports, jebisay heshiiska ay Puntland la gashay haddii aysan seddex bilood gudahood ugu soo guurin Puntland iyo haddii aysan 24 labaatan bilood gudahood, saxiixidda heshiiska kaddib, ku dhisin meel laba markab ku soo xiran karaan?

Cudurdaarka Wasiirka Dekedaha ee Puntland bixiyay ku saabsan saamaynta Covid-19 ku yeeshay mashruucyada DP World fulin lahayd waa mid ku habboonaa inuu afka DP World ka soo baxo waayo Wasiirku indhaha ayuu ka laalay runta ah in Covid-19 saameeyay dunida 32 bilood kaddib markii Puntland iyo P&O Ports heshiis kala saxiixdeen.

Calanka Puntland iyo calanka Imaaraatka Carabta ayaa hor yaalla Madaxweyne Gaas iyo Sultan Ahmed Bin Sulayem, Guddoomiyaha Port, Customs and Free Zone Corporation oo ay dowladda Imaaraatku leedahay

Ilaa hadda lama hayo nuqulka heshiiska Puntland la gashay DP World si dadku u dhaadi karaan qodobbada heshiiska.

Waxaa cad in heshiisku galay marxalad halis ah waayo markii Puntland saxiixday heshiiska, DP World waxay ahayd shirkad gaar loo leeyahay oo ka diiwaangashanayd Nasdaq Dubai si maalgeliyayaashu u iibsan karaan saamiyadeeda. Sicirka saamiyada DP World kor buu u kacay kaddib heshiiska. DP World hadda waa shirkad ay Dowladda Imaaraatku leedahay, aan saamiyadeeda la iibsan karin.

Labada calan ee Puntland iyo dalka Imaaraatka Carabta baa miiska  heshiiska lagu saxiixay saarnaa. Farriintu waa: Puntland oo maamul ah baa heshiis la gashay shirkad dowladda Imaaraatka Carabtu dhinac taagan tahay. Yaa u diiday Madaxweyne Cabdiweli Gaas inuu calanka Soomaaliya goobta keeno, illeen Soomaalidu waxay tidhaahdaa gadhba, gadh baa la tusaa?

Isbeddelka ku dhacay qaabka lahaanshaha DP World lagalama tashan Puntland oo hadda dalka Imaaraatka inay la garnaqsato doonaysa iyadoo maamul beelo Soomaaliyeed leeyihiin wakiil ka ah. Heshiiskii Puntland la gashay DP World sanadkii 2017kii wuxuu ka mid yahay tusaalooyinka maamul-darrada iyo isla xisaabtan la’aanta Puntland ku suntanayd muddo dheer.

Maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa la gudboon inuu xeeldheerayaasha sharciga heshiisyada ganacsiga la tashado ka hor kulanka dhexmari doona Puntland iyo dowladda Imaaraatka Carabta, oo hadda ah milkiilaha DP World.

© Puntland Post, 2020