Wejiga Labaad ee Shirka Nabadaynta Horufadhi oo ka furmaya Degaanka Saaxdheer

Degaanka Saaxdheer ee Koonfurta Gobolka Sool waxaa ka socota qaban-qaabadii u dambaysay ee Wejiga labaad ee dhammaystirka Nabadaynta Beelihii ku dagaallamay Degaanka Horufadhi ee Gobolka Cayn.

Ergooyin ka kala socda Beelihii dagaallamay iyo Xubnaha Guddiga Isimada dhex-dhexaadinaya labada dhinac ayaa haatan ku sugan Degaanka Saaxdheer waxaana sida qorshaysan saacadaha soo socda halkaasi ka furmaya Wejiga labaad ee Shirka Nabadaynta.

Shirka Saaxdheer ayaa la doonayaa in lagu dhammaystiro Arrimaha ka harsan Nabadaynta Degaanka Horufadhi oo ay marar kala duwan ku dagaallameen Beelo halkaasi wada deggan balse ugu dambayn Heshiis Nabadeed laga gaaray.

Guddiga Nabadaynta labada dhinac waxaa hoggaaminaya Garaad jaamac Garaad Cali oo ay weheliyaan Cuqaal iyo Isimo kala duwan oo ka yimid Degaannada Sool iyo Cayn.

PUNTLAND POST