Yuusuf Garaad: Reer Somaliland waxay rumeysan yihiin inay Faqash ka adkaadeen

Muqdisho (Wararka Puntland Post ) — Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimmaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, oo faallo ka qoray shirkii Jabuuti ku dhex maray madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa ku dooday in waxa ay rumeysan yihiin reer Somaliland uu yahay mid ka mid ah caqabadaha jira.

“Somaliland shakhsiyaad beey leedahay loo bixiyay ‘mujaahiddiin’. Waxay la dagaallameen oo ay ka adkaadeen shakhsiyaad astaan looga dhigay shar oo loo bixiyay ‘faqash’” ayuu Yuusuf Garaad ku dooday.

Yuusuf Garaad wuxuu mar ka mid ahaa xubnaha guddi Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u soo xushay inay Somaliland wadahadal la yeeshaan. Doodda Yuusuf Garaad uu soo bandhigay, oo ka dhigaysa Somaliland maamul beeleed, waxay kicisay dareenno kala duwan. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed raallingelintii ay ka bixisay gaboodfalkii dhacay siddeetamaadkii.

“Waa wax laga xumaado in Yuusuf Garaad Somaliland iskugu qoosho ammaan iyo canjarafayn. Yuusuf ma hadda ayay Somaliland la noqotay mashruuc Mujaahid? ” buu Puntland Post u sheegay Maxamed Siciid Geeddi, oo ah bare wax ka dhiga dugsiyada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay qaadatay siyaasado ka duwan dowladihii ka horreeyay si ay garawshiiyo uga keento tabashooyinka dhabta ee reer Somaliland gaar ahaan gaboodfalladii siyaasadeed oo dhacay ka hor burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991kii.

© Puntland Post, 2020