OLOLEYNTA SIYAASADEED EE KAAH OO JEBISAY DASTUURKA PUNTLAND

Garoowe (Wararka PP) — Xubno ka socday urur siyaasadeedka KAAH ee xukuumadda Puntland oo ay weheliyeen qaar kamid ah shaqaalaha dowladda, ayaa maanta oo Khamiis ah mudaharaad kala kulmay degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar.

Wafdiga oo hoggaaminayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimmaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa doonayay in ay xafiis cusub halkaas uga furaan urur-siyaasadeedka KAAH, balse qaar kamid ah dadka degaanka ayaa muddaharaad kala hor yimid, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Wafdiga ayaa markii dambe ku guulaystay furista xafiiska.

Puntland Post ayaa heshay muuqaal laga soo duubay mudaharaadyaasha oo is hor-taag ku samaynaya wefdiga iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah urur siyaasadeedka KAAH.

Dhanka kale xubno ka tirsan ururka siyaasadeedka KAAH iyo Madaxtooyada Puntland ayaa qoraalo is burina oo ay arrintan uga hadleen ku baahiyey barahooda bulshada.

Yacquub Maxamed Cabdalle, oo ah xubin ka tirsan KAAH ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in ururka KAAH, uusan wafdi u dirin degmada Banderbayla.

Cabdirashiid Cismaan Shaalico, Agaasime ku xigeenka warfaafinta madaxtooyada oo ka mid ahaa wafdi halkaas tegay, ayaa isna bartiisa Facebook ku baahiyey sawiro iyo qoraal uu ku sheegay in ururka KAAH uu xafiis ka furtay Banderbayla.

Dastuurka Puntland qodobkiisa 128 wuxuu farayaa shaqaalaha rayidka ah ee dowladda in aysan xafiisyada dowladda u isticmaalin ujeeddooyin siyaasadeed.

Dowladda Puntland weli war kama soo saarin booqashada muranka dhalisay ee Banderbayla.        

© Puntland Post, 2020