Miyay Itoobiya laba isku helaysaa?

Addis Ababa ( Faallooyinka Puntland Post) —  Biyoxireenka Dib-u-curashada Itoobiyada Weyn (GERD)  wuxuu soo nooleeyay muran ku saabsan qaybsashada biyaha webiga Niil. Soomaaliya, oo ah dal deris la ah Itoobiya kana tirsan Jaamacadda Carabta, waxay qaadatay mowqif dhexdhexaad ah. Waxay soo jeedisay in Masar iyo Itoobiya ay miiska ku furdaamiyaan ismaandhaafka ku saabsan sida loo qaybsanayo biyaha Niil.

 Kheyraadka ka dhexeeya dalal badan waxaa loo yaqaan la-wadaageyaal (commons). Doodda Itoobiya waa: heshiiskii Biritayn iyo Masar kala saxiixdeen in ka badan lixdan sano ka hor wuxuu u diidayaa Addis Ababa inay wax uga dheefto Niil si ku sargo’an baahideeda horumarineed. Dooda Masar waa: biyoxireenku wuxuu yaraynayaa biyaha soo gaara Masar.

Itoobiya way diiddan tahay inaysan buuxinin biyoxireenka

Itoobiya waxay rumeysan tahay in heshiiska Niil uu dhexmaray dal Afrikaan ah iyo dal gumeyste ahaa. Waxaa xusid mudan in Itoobiya (markii Menelik iyo Xayle Salaase talinayeen) ay heshiis la saxiixatay Biritayn. Heshiisyadaas  bay Itoobiya cuskataa marka ay dhulka Soomaalidu ku nooshahay sheegatay oo hoos geysay Imbaradooriyaddii Itoobiya. Sidoo kale Biritayn waxay Eritreeya ka dhigtay qayb ka mid ah Itoobiya markii Talyaaniga laga qabsaday dhulkii uu ka qabsaday Itoobiya 1935kii iyo dhulkii uu maamulayayba.

Waxaa is qaban la’ in Itoobiya ku dhaadato heshiisyada gumeyste ugu sadburiyay halka ay ka biyo-diiddan tahay heshiisyada ay u aragto in Masar lagu gacanqabtay. Biritayn waxay heshiiska Niil u saxiixday si ay uga waraabiso beerihii suufka oo ku yiil Masar.

Sidee Itoobiya uga dul boodi kartaa xeerarka ku saabsan kheyraadka dalalku wadaagaan iyo heshiisyada taariikhiga ah oo awoodihii saxiixay weli maanta ifka ugu tuktuk-roon yihiin? Itoobiya way ku gacansaydhay dhexdhexaadintii Maraykanku waday. Waxay doonaysaa in Midowga Afrika uu ka odoyeeyo muranka qaybsiga biyaha webiga Niil. Mabda’ odhanaya “dal Afrikaan ihi kuma dhaqaaqi karo fal halis gelinaya nabadgelyada dal kale oo Midowga Afrika ka tirsan” waa midka hortaagan himilada Itoobiya oo ah inay maamusho biyaha gaara Masar. Qayb ka mid ah Niil wuxuu noqon kartaa webi Itoobiya iyo Masar ay wada maamulaan.

Dalalka Afrika kama leexan karaan xeerarka asaasayaashii Midowga Afrika isla garteen oo ku salaysnaa mabda’a: dal Afrikaan ah uma bannaana inuu sameeyo fal dal kale oo Afrikaan ah nabadgelyadiisa ama qarannimadiisa dhaawacaya. Waa xeer ka mid ah xeerarka Masar cuskanayso. Waa xeerka Itoobiya rabto in badda lagu daro. Dhega!

© Puntland Post, 2020