Muuqaal fashiliyey shaqada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Maalmihii u dambeeyey waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaal laga duubay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Feederalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka soo degaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Muuqaalka waxaa ka muuqday dad hoos taagan albaabka diyaarada oo ay dhaafayso Wasiir Khadiijo, kuwaas oo lagu sheegay kooxda hubisa caafimaadka dad soo galaya dalka.

Dadka muuqaalkan baahinayey waxay Wasiir Khadiijo ku eedeynayeen in ay si bareer ah u diiday inay marto nidaamka hubinta caafimaadka, gaar ahaan baarista cudurka faraha kulul ku haya dunida ee Coronavirus.

Balse dhaliisha muuqatay waxay ahayd in dadka diyaarada albaabkeeda hoos taagnaa, aysan u muuqaal ekayn koox caafimaad, sidoo kale aysan la hayn goob ay ku shaqeeyaan.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo qaabka baarista caafimaadka, wasirka muuqaalkii Khadiijo

Dhaliisha muuqaalkaas kaliya kuma ekeyn kooxda caafimaadka, ee waxay ahayd mid saameynaysay maamulka iyo laamaha amniga garoonka, iyadoo Muqdisho ay tahay meel halisteed leh.

Dhanka kale Wasiir Khadiijo Diiriye oo arrintaas maanta ka hadashay waxay sheegtay in dadkii rabay inay baaraan aysan u ekeen shaqaale caafimaad, balse ay u ekaayeen Injineero dhismo.

Sidoo kale waxay tilmaantay in is dhexyaac ka jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, oo ah midka ugu mashquulka badan Soomaaliya.

Puntland: Qaabka baarista caafimaadka ee garoonka diyaaradaha Gen. M. Abshir, Garowe

Dhacdada ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ku soo aadaysa, iyadoo 31 Jannaayo 2020 ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay in ay Coronavirus u diyaarisay hawlwadeeno horey loogu tababaray cudurada dilaayada, sidoo kale ay diyaarisay agab loogu talagalay xaaladaha halista ah.

Balse muuqaalka laga duubay halka garoon diyaaradeed caalamiga ah ee ay maamusho dowladda Federaalka, ayaa fashiliyey, wixii ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

PUNTAND POST