Maxaa kala qabsaday Chelsea iyo Bayern?

Labo kulan oo ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League ayaa caawa laga ciyaaray qaarada Yurub.

Kooxda Bayern Munich ayaa hal lug la sii gashay wareega sidseed dhamaadka ee tartanka kooxaha Yurub ee Champions League, ka dib markii ay 3-0 ku garaacday kooxda Chelsea oo marti loogu ahaa gurigeeda Stamford Bridge, lugta hore ee wareega 16-ka.

Bayern Munich ayaa kaga talaabsatay kooxda reer London ee Chelsea, labo gool oo seddex daqiiqo gudaheed ku dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta Serge Gnabry iyo gool seddexaad oo saxiixay Robert Lewandowski.

Chelsea ayaa ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan, markii dhammaadka ciyaarta kaarka cas loo taagy Marcos Alonso oo maqnaan doona kulanka lugta labaad oo Allainz Arena ka dhici doona 18-ka besha soo socota ee Maarso.

Dhanka kale kooxda Barcelona ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Napoli, kulan ka dhacay garoonka San Paulo ee cariga Talyaaniga.

Dries Mertens ayaa qeybtii hore ee ciyaarta hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Napoli, balse Antoine Griezamn ayaa qeybtii dambe kansalay goolkaas.

Barcelona ayaa 10 ciyaaryahan ku dhameysatay ciyaarta markii uu dhamaadkii ciyaarta labo digniin uu hal daqiiqo gudaheed ku qaatay Arturo Vidal, oo seegi doona kulanka lugta labaad oo Camp Nou ka dhici doona 18-ka besha soo socota ee Maarso.

Habeen dambe oo Arbaco ah, waxaa jira labo kulan oo mid kamid ah uu xiiso badan yahay, waana kulamada Real Madrid oo marti ay u noqonayso Manchester City iyo Lyon oo ay u noqonayso Juventus.

PUNTLAND POST