Deni ma wuxu soo rari doonaa Taliska Maraykanka ee Djibouti?

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta markii u horraysay u dhoofay waddank Djibouti, tan iyo wakhtigii  la doortay 8-Jannaayo 2019.

Safarka madaxweynaha Puntland uu ku aaday waddanka Djibouti, oo aan la sii shaacin, ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, inkastoo aysan dowladda Puntland war ka soo saarin safarkaas.

Ilo’ ku sugan madaxtooyada Puntland oo magacyadooda diiday, waxay Puntland Post u sheegeen, in safarkaasi la xiriiro marti-qaad madaxweyne Deni ka helay madaxweynaha dalka Djibouti Ismaïl Omar Guelleh, islamarkaana safarkiisu ku saabsanyahay iskaashiga Puntland iyo Djibouti.

Warar kale oo Puntland Post heshay, oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya, in madaxweyne Deni safarkiisu ka dambeeyay, kulan uu dhowaan la qaatay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika Gen. Stephen J. Townsend.

Gen. Townsend ayaa sida wararku sheegayaan madaxweyne Deni kala hadlay, in Talis cusub ay AFRICOM ka sameysato Boosaaso, si loo xoojiyo la-dagaallanka Argagixisada.

Balse, arrintaas oo ay horay uga wada-hadleen dowladda Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM, ayeysan weli Puntland go’aan rasmiya ka qaadan.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Saraakiil sare oo Maraykan ah uu madaxweyne Deni kula kulmi doono magaalada Djibouti, si arrintaas loo sii dhaqaajiyo.

Maraykanka ayaa la aaminsanyahay in uu si weyn u raadinayo saldhig kale oo ka samaysto Badda Cas, halkaasi oo uu ku yaallo Gacanka Cadmeed ee Istiraatiijiga ah.

Dalka Djibouti, waxaa saldhig ciidan ku leh dalal kala duwan oo awood leh, kuwaas oo uu kamid yahay waddanka Shiinaha oo Maraykanka kula xifaaltama Qaaradda Afrika.

©PUNTLAND POST