Puntland oo soo bandhigtay Heshiisyo u ogolaanaya in ay Imtixaankeeda gaar u qaadato

Wasiirka Waxbarashada dowladda Puntland Pro. Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, kaasi oo ahaa in Ardayda Puntland aan la siin doonin Shahaadada heer Federaal, maadaama Puntland aysan ka qeyb-gelin Imtixaanka dowladda Federalka.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa sheegay in laba heshiis oo Puntland iyo dowladda Federaalku ay wada-galeen sannadihii 2015 iyo 2017, lagu go’aamiyay in Puntland ay u madax-bannaantahay qaadista Imtixaanaadkeeda, islamarkaana xukuumadda Federaalku ay si rasmiya ugu aqoonsatay Shahaadada Puntland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in labadaasi heshiis si cad loogu qeexay, in dowladda Federaalku ay kormeer ku yeelato Imtixaanka Puntland, dabadeedna Ardayda Reer Puntland Shahaadada heer Federaal loogu keeno caasimadda Garoowe.

Wasiirka Waxbarashada Puntland, ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Wasiir Goodax uu gebi ahaanba ka horjeedo, heshiisyadii dhanka Waxbarashada ee ay wada-galeen Puntland iyo Federaalka, ogaal la’aan iyo inkiraad mid ay ka tahayba.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay, nuqullo kamid ah heshiisyadii ay wada-galeen Puntland iyo dowladda Federaalka ee lagu go’aamiyay qodobada kor ku xusan.

Hoos ka akhriso qoraalka Puntland

PUNTLAND POST