Boos: Deni xilka igama qaadi karo shaqadeydaan sii wataa

Cabdi Ismaaciil Boos

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Bangiga dhexe ee Puntland Cabdi Ismaaciil Boos, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Mudane Boos, oo cuskanaya qodobka kamid ah Dastuurka dowladda Puntland, ayaa sheegay in madaxweynuhu uusan xaq u lahayn xilka qaadistiisa, balse ay ahayd in uu Baarlamanka weydiisto in xilka laga qaado, si qof kale loogu magacaabo booskiisa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu isagu weli yahay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Puntland, islamarkaana uu shaqadiisa sii wato, inkastoo uu xusay in xafiis kale oo laga dhinac sameeyay la keenay Guddoomiyihii uu soo magacaabay madaxweyne Deni.

Cabdi Ismaaciil Boos, ayaa ugu dambeyntii madaxweynaha Puntland ku eedeeyay, in xilka qaadista uu soo qoray, ay u yeeriyeen koox yar oo uusan magacyadooda xusin, kuwaasi oo sida uu sheegay madaxweyne Deni cadaadis ku saaray arrintaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST