Xaashi Maxamed: Aflixidda Bulshadu Way joogsatay

Gorfeyn ku saabsan buug uu qoray Xaashi Maxamed oo ah qareen-sare (barrister) ka soo jeeda Soomaaliya baa lagu soo saaray shalayto  wargeyska maalinlaha ah, The Times. Buuggu waa People Like Us— (Dad innaga oo kale ah).

Xaashi aabbihiis wuxuu ku geeriyooday shil gaari. Dad ay ehel yihiin baa ka soo dhoofiyay dalka Keenya si uu iyaga kula noolaado dalka Ingiriiska.  Wuxuu kula noolaa qoyska guri ciriiri ah. Wuxuu ku soo barbaaray kaalmada dowladdu siiso qoysaska dakhliga yari uu soo galo, waxa Soomaalida qurbajoogta ahi u taqaan Ceyrta.

“Dadka hanaqaaday laga billaabo sanadkii 2000 noloshoodu way ka hoosayn doontaa nolosha waalidkood” buu ku dooday Xaashi. Gorfeeyaha buuggu  ku ma uu raacin Xaashi. “Noloshayda iyo tan  [ Xaashi] Maxamed  way ka fiicnaan doontaa tan waalidkeen” buu gorfeeyuhu qoray.

Xaashi: Aflixidda bulsheed way joogsatay

Xaashi wuxuu ka baxay Jaamacadda Oxford oo wuxuu qaatay waxbarasho qalinjebin kaddib si uu ku kasbado xirfadda qareennimo sare oo uu hadda kaga shaqeeyo London. Maqaallo kala duwan ayuu ku qoray wargeysyada iyo xilliileyaal kala duwan sida The Times iyo Prospect . Wuxuu maqaal ku qoray sanadkii 2016kii shabakadda Open Democracy, maqaalkaas oo ugu baaqayay warbaahinta inay si dhexdhexaadnimo ah wax uga qoraan dadka haysta diinta Islaamka.  Xaashi wuxuu soo jeediyaa barnaamij ka baxa Idaacadda Afraad ee BBC ( BBC Radio 4). Dood ka mid ah doodaha uu buuggiisa ku soo bandhigay waa aflixidda bulsho ( social mobility ) –  heerka nolosha qofka oo meel sare gaarta shaqada uu hayo iyo dakhliga soo gala awgood.

Xaashi wuxuu ku dooday in aflixidda bulsho ay joogsatay iyo in saamaynta  dabaqadda ( class) aan mudnaan loo siinin si la mid ah sida mudnaanta loo siiyo kala duwanaanta (diversity), oo ku salaysan haybta sida madow oo dad kala dabaqad ah  isku tolaysa ( homogenising). “Wiilka cad oo dabaqadda shaqaysa ka soo jeeda oo deggan Dagenham baan wax la wadaaga. Wiilka madow oo Eton taga wax lama wadaago” buu qoray Xaashi Maxamed.

© Puntland Post, 2020