Puntland oo muddaysay wakhtiga la toogan doono saddexda xukmane ee Kiiskii Caa’isha Ilyaas

Dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u shaacisay wakhtiga la toogan doono saddexda xukmane ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Telefishinka Puntland, oo xiganaya Xeer ilaaliyaha guud dowladda Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa baahiyay in saddexda xukmane Boosaaso lagu toogan doono subaxnimada Talaadada ah, ee ku beegan 11-ka bisha soo socota ee February 2020 saacaddu marka ay tahay 8:00am subaxnimo.

Saddexda xukmane oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden.

Raggaasi, ayaa Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Sidoo kale, Maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilka lagu riday saddexda xukmane, balse dib u eegis ay ka qaateen ayey mar kale Maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019.

Ugu dambeyntii, xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku wareejiyay Galka fulinta Xukunka, oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka qoyska Caa’isha Ilyaas.

PUNTLAND POST