Lionel Messi oo markii lixaad ku guuleystay xiddiga dunida

Lionel Messi ayaa caawa markii lixaad ku guuleystay ciyaartoyga kubbadda cagta ugu wanaagsan dunida sanadka 2019.

Xiddiga xulka Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa abaalmarintan Ballon d’Or  kaga guuleystay xiddigaha Liverpool ee Virgil van Dijk, Sadio Manè, Mohamed Salah iyo xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo oo kaalinta labaad galay.

Lionel Messi ayaa sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta Kabta Dahabka Yurub, maadaama uu ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badnaa horyaalada waaweyn ee Yurub xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay.

Dhawaan ayey ahayd markii Messi ku guuleystay abaalmarinta xidiga sannadka FIFA ee loo yaqaano ‘The Best’ waana abaalmarintii labaad ee uu hanto billo gudahood.

Lionel Messi oo 32 sano jir ah ayaa noqday ciyaartoyga kaliga ee lix (6) jeer ku guuleystay abaalmarinta xiddiga kubbadda cagta ugu wanaagsan dunida.

Messi ayaa abaalmarintan Ballon d’Or ku guuleystay sanadihii 2009, 2010, 2011, 2012, 2015 iyo sanadkan 2019.

Messi ayaa xilli-ciyaareedkii la soo dhaafay kooxdiisa Barcelona kula guuleystay horyaalka La Liga ee dalka Spain.

PUNTLAND POST