Baarlamanka Puntland oo guddi u magacaabay doorashada guddoomiyaha golaha

Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo qaban-qaabin doona doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland.

Guddiga ayaa ka shaqeyn doona diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya doorashada guddoomiyaha iyo sidoo kale socod-siinta dhammaan hawlaha doorashada guddoomiyaha cusub.

Ku simaha guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyay in doorashada la qorsheeyay in ay dhacdo 14-ka bishan  November oo ku beegan Khamiista todobaadka soo socda.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed ayey saaka xilka ka qaadeen mudanayaasha Baarlamanka kadib markii ay ku eedeeyeen Dastuur jebin iyo in uu ku xad-gudbay Xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Kulanka oo ay  fadhiyeen 53 mudane ayaa 49 xubnood oo kamid ah u codeeyeen xilka qaadista guddoomiyaha, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana sidaasi xilka looga qaaday guddoomiye Dhoobo.

Hoos ka akhriso magacyada guddiga la magacaabay

PUNTLAND POST