Ruushka oo cafiyay deymihii uu ku lahaa dalalka Afrika.

Madaxweynaha dalka Rushia Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay maanta in dalkiisu uu cafiyay dhamaan deymihii uu ku lahaa wadamada Afrika, dayntaas oo gaaraysay in ka badan $20 bilyan.

Tilaabadaan oo u muuqata mid Rushia uu kusoo dhoweysanayo dalalka Qaarada Aftika, ayaa ujeedada loo cafiyay lagu sheegay in looga golleeyahay si looga caawiyo Afrika in ay ka baxaan saboolnimada.

Hogaamiyaha Ruushka ayaa ku dhawaaqay hadalkaan kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Guinea Alpha Condé.

Vladimir Putin wuxuu intaas ku daray in sanadkii 2016, Russia ay u qoondeysay $ 5 milyan dollar wadamada afrika iyadoo loo sii marinayo Ururka midowga Afrika (AU) iyo Ururka Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (WFP).

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada uu Ruushku ku leeyahay deymaha lacageed, waxaana dalkaas ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka Rushia iyo Afrika.

PUNTLAND POST