Ciidamo ka tirsan kuwa badda Soomaaliya iyo Doon ay la socdeen oo lasoo badbaadiyay

Ciidamada Midowga Yurub ee qaabilsan howlgalka ilaalada xeebaha Soomaaliya ee ATLANTA, ayaa badbaadiyay ciidamo ka tirsan kuwa badda Soomaaliya oo ku go’doonsanaa badda.

EU NAVFOR ayaa helay codsi kaga yimid Doon ay leeyihiin ciidamada badda Soomaaliya oo ku sugnayd meel 60 Km Waqooyi ka xigta degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe.

Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay dhibaatooyin farsamo, shaqaalaha la socdayna waxay ka walaacsanaayeen nabadgelyadooda.

Saraakiil ka tirsan EU NAVFOR ayaa sheegay in lagu guulaystay soo badbaadinta iyo samata bixinta ciidankaas, kadib dadaal dheer oo loo galay baadi-goobka goobta ay ku sugnaayeen ciidankaan.

Howlgalka ATALANTA, ayaa waajibaadkiisa waxaa ka mid ah kormeerka howlaha kalluumeysiga ee xeebaha Soomaaliya, ilaalinta maraakiibta Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

PUNTLAND POST