Weriye Tallman oo xoriyadiisii dib u helay, raali- galina ka bixiyay eedeymihii loo haystay

Agaasimihii hore ee Radio Daljir , Axmed Sheekh Maxamed Tallman, ayaa goor dhowayd oo maanta ah dib u helay xoriyadiisii , kadib muddo todobaad ku dhow oo uu ku xirnaa Garowe.

Weriye Tallman oo bartiisa Facebook soo dhigay muuqaal kooban, ayaa raali gelin buuxda wuxuu ka bixiyay fal dambiyeedkii lagu soo eedeeyay, isagoo sheegay dowladdu inay ka gar leedahay.

Tallmaan wuxuu sheegay wararkii idaacaddiisa laga siidaayay in la ogaaday in aysan wadanin cadeymo ku filan islamarkaana aanay ku haboonayn in la baahiyo ama lagu tilmaami karay been abuur.

Kadib markii uu la tashaday qareenadiisa, ayuu sheegay inuu go’aansaday inuu dowladda Puntland ka raali geliyo qaladkaas dhacay, si gaar ah wuxuu u raali galiyay Taliye Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse.

Wuxuu caddeeyay sababtii uu isaga casilayay agaasimihii Daljir in ay ahayd saamaynta ka dhalatay wararkii idaacaddu baahisay, isagoo sheegay inuu ahaa agaasime kursiga lagula fadhiyay.

Siidaynta Tallman, ayaa kusoo beegantay, iyadoo maalinta berrito ah loo balansanaa in la dhegaysto dacwada loo haystay.

HALKAAN KA DAAWO

PUNTLAND POST