Kenya: Waxaan qaadaynaa tilaabo kasta oo Alshabab loogu aqoonsanayo Argigixiso

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay sii wadidoonto dadaalkeeda ku aadan in Golaha ammaanka Qaramada Midoobay uu Alshabaab u aqoonsado inay yihiin urur argagixiso.

Agaasimaha dambi baarista Kenya, George Kinoti, ayaa sheegay in ay qaadayaan tilaabo kasta, si looga hortago faafida argaggixisada bariga Afrika.

Kinoti ayaa hadalkaan ka jeediyay kalfadhiga 88-aad Golaha Guud ee booliska caalamiga ah ee Interpol, fadhigaas oo looga hadlayay dadaalada qaran iyo kuwa heer gobol ee lagula dagaallamayo argagixisannimada iyo dambiyada abaabulan.

Dowladda Kenya ayaa laba toddobaad ka hor weydiistay Mareykanka inuu ku caddeeyo al-Shabaab inay tahay kooxda argagixiso.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii August, 29 keedii laalay qaraar Kenya ay ku doonaysay in ururka al-Shabab ee Soomaliya loo aqoonsado urur argagixiso oo la mid ah Al-Qaacida iyo ISIS.

Qaraarkan ay goluhu diideen ayay qaadashadiisu ka dhalan kartaa in deegaannada uu ururku joogo aan kaalmo bani’aadanimo la geyn karin, xilli roob yaraan iyo barakacba uu ka jiro qeybo Somaaliya ka mid ah.

Dalalka Mareykanka iyo France oo ka tirsan xubnaha joogtada ah ee golaha oo ay weheliyaan Belgium, Germany, Kuwait, iyo Boland ayaa dhammaantood is hortaagay qaraarkaasi.

PUNTLAND POST