Madaxweyne Deni oo guddoomiyeyaal cusub u magacaabay gobolada Bari iyo Gardafuu

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Guddoomoyaha cusub ee Bari

Madaxweyne Deni oo la tashaday wasiirkiisa arrimaha gudaha, ayaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Sidoo kale, Muuse Saalax Guuleed ayuu madaxweynuhu umagacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu isbedelo ku sameeyo guddoomiyeyaal gobol oo kale iyo masuuliyiinta kale, sida uu Puntland Post xogta ku helayo.

PUNTLAND POST