Shil gaari oo geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay nawaaxiga Sunijiif

sawir hore

Shil gaari oo geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay wadada u dhexeya magaalada Garowe iyo duleedka tuulada Sunujiif ee gobolka Nugaal.

Puntland Post oo khadka taleefoonka kula hadashay taliyaha taraafikada gobolka Nugaal, Ismaaciil Xirsi Shirwac, ayaa u sheegay in shilkaan uu geytay dhimashada hal qof oo rag ah iyo dhaawaca qof dumara.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nooca Soomaalida u taqaano lugo badan, kaasoo ka yimid magaalada Boosaaso, kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo ka hor inta aanu shilku dhicin.

Qofka dumarka ah ee dhaawacmay, oo xaaladeedu ay cuslayd ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee Garowe.

Shilka waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed, oo soo gaaray badeecaddi lagasoo raray dekeda Boosaaso.

PUNTLAND POST